Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ay ka soo saartay doorashadii Galmudug.

Arbaco 26 Aug 2026 {HMC} Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira doorashadii ka dhacday dowlad-goboleedka Galmudug.

Qoraal uu Guddigu soo saaray ayuu ku sheegay in go’aanka Maxkamadda Sare, oo ku taariikhaysan 24-ka Agoosto 2026, uu khuseeyo murankii ka dhashay doorashadii isku-sidkanaa ee lagu qabtay Galmudug.

Guddiga ayaa sheegay inuu go’aankiisa ku saleeyay kaalinta dastuuriga ah ee Maxkamadda Sare, sarreynta sharciga iyo mabda’a ah in khilaafaadka doorashooyinka lagu xalliyo hannaan garsoor oo waafaqsan sharciga.

Sida uu Guddigu sheegay, Qodobka 73-aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare siinaya awoodda ay ku dhageysan karto, go’aan uga gaari karto, isla markaana xallin karto dacwadaha la xiriira doorashooyinka.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Iyadoo taas laga duulayo, Guddiga Doorashooyinka ayaa si rasmi ah u aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ee ku saabsan doorashadii lagu qabtay Galmudug.”

Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay inuu soo saari doono waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada ku-celiska ah ee Galmudug, iyadoo aan weli qoraalka lagu sheegin taariikhda saxda ah ee doorashadaas.

Go’aankan ayaa imanaya xilli muranka la xiriira doorashada Galmudug uu galay marxalad sharci iyo siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabada xigta ee Guddiga Doorashooyinka iyo maamulka Galmudug.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

UK oo madaxda Soomaaliya ugu baaqday wada-hadal lagu xoojinayo midnimada dalka

Arbaco 26 Aug 2026 {HMC} Wasiirka Horumarinta iyo Afrika ee UK, Kirsty McNeill, ayaa madaxda Soomaaliyeed ugu baaqday inay yeeshaan wada-hadal wax dhisaya oo...