Talaado 25 Aug 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Dalka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Dalkeena Danjire Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle, waxaana safiirka ugu horreyn uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu hambalyeeyey xilka Guddoomiyaha Golaha, wuxuuna Alle uga baryey inuu u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo doortay.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xoojinya iyo dardargelinta xiriirka laba dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Jabuuti.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa dalka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti uga mahadceliyey kaalintii walaaltinimo ee ay ka qaadatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed iyo sidoo kale garab istaageeda dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

