Dowladda Soomaaliya oo si deg deg ah ugu wacday Safiirkii dalalka Seerbiya iyo Ukraine.

Jimco , 21 August 2026 {HMC} Wasaarada arimaha dibada ayaa u yeertay Danjire Maxamed Cabdulahi Axmed oo ku magacaaban safiirka Soomaliya ee dalalka Seerbiya iyo Ukraine kadib fadeexadii dhawaan soo ifbaxday ee muujisay dhibaatada ka jirta safaarada iyo shaqsiyada safiirka oo lagu tilmaamay mid aad u hooseysa.

Sida aan xogta ku helnay ninkan oo ay qaraabo dhaw yihiin mid kamida xaasaska Madaxweyne Xasan ayaa diiday in uu soo xaroodo waxaana sidaan oo kale jiray dhacdooyin lamida tii dhexmartay isaga iyo qunsulka oo aan banaanka imaan .

Safiirka ayaa la sheegay in uu hadda ka hor safaarada ku dhex feeray nin xoghaye koowaad Safaarada ka ahaa halka sidookale uu diiday in uu wasaarada arimaha dibada Seerbiya u gudbiyo warqadaha safiir ku xigeenka safaarada iyadoo la sheegay in ninkan oo isku halleynaya awooda qoyska Madaxweynaha uu diidanyahay in uu shaqada safaarada ka soo dhexbaxo ama si wanaagsan ula dhaqmo masuuliyiinta kale ee safaarada lagula qoray.

xogta aan hadda helnay ayaa sheegeysa in si degdega loogu yeeray balse uu si cad u diiday in uu u hogaansamo amarka wasiirka Arimaha dibada

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iiraan oo ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib Duulaan Culus uu ku qaaday Sacuudiga.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib markii Dowladda Sacuudiga ay Duulaan xoogan ku qaaday Kooxda Xuutiyiinta...