Arbaco 17, June 2026 {HMC}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku howlan tahay diyaarinta ciidamo mas’uuliyadda Amniga Dalka kala wareegay askarta Midowga Afrika ee AUSSOM kuwaas oo Waddanka ku sugan tan iyo sanadkii 2007dii.
Sida ay muujinayaan xogo ay heshay Mustaqbal, Ciidamo tababarro sare qaatay oo loo diyaariyay in ay ku howlgallaan Gaadiidka, Hubka iyo agabka ugu casrisan xiligaan ayay Dowladdu diyaarinaysaa si ay mas’uuliyadda Amniga Dalka ula wareegaan.
Maalmo kahor, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kulamo la qaatay saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka isaga oo kala hadlay qorshahaan Dowladdu ay waddo si loo dadejiyo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Waddanka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu guulaystay in ilaalada Madaxda iyo Madaxtooyada Qaranka laga reebo ciidamada Midowga Afrika, tallaabadaas waxa ay dhowr sanno kaddib dhalisay in la dejiyo qorshahaan cusub ee looga maarmayo AUSSOM.
Dowladdu waxa ay garab ka heleysaa Dalal kala duwan kuwaas oo gacan ka gaysanaya tababarrada Ciidamada iyo qalabayntooda, halka Dowladda Federaalka ay bixinayso Mushaarkooda sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Haddaba, mala joogaa waqtigii Ciidanka AUSSOM ay mas’uuliyadda Amniga Dalka ku wareejin lahaayeen Ciidanka Xoogga?

