Arbaco 17, June 2026 {HMC}Â Madaxweynaha Liberia, Joseph Nyuma Boakai ayaa sheegay in dalkiisa lagu qabtay Daroogo nooca loo yaqaan ee Cocaine oo cabirkeedu gaarayo 240 Kiilo garaam ah oo qiimaheedu lagu qiyaasay $19 Milyan oo doollar.
Howlgal ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Roberts International Airport ee Magaalada Monrovia ayaa lagu guulaystay in gacanta lagu dhigo daroogadaas halista badan ee bartilmaameedka ah lana xirayo qofkii lagu qabto.
Liberia ayaa qiratay in kooxdii waday walxahaas ay baxsatay iyada oo ku goodisay in ay dabagal ku samayn doonto si loo horgeeyo Maxkamadda awoodda u leh qaadista kiiskaan sida uu sheegay Madaxweynaha Dalkaas, Joseph Nyuma.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in daroogadaan sababta loo mariyay Liberia ay ahayd in loo gudbiyo Yurub inkasta oo ay socdaan baaritaanno ay wadaan hay’adaha amniga oo qariyay macluumaadka guud ee xogtaan maadaama ay baaristooda weli socoto.

