Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Hindiya oo ka qayb galay kulanka 28-aad ee Guddida Madaxda Sare ee Ururka Wadamada Dhaca Badweynta Hindiya

Talaado 16, June 2026 {HMC} Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Hindiya, Dr. Cabdullahi Maxamed Odowa, oo matalaya Soomaaliya, ayaa maanta ka qayb galay kulanka 28-aad ee Guddida Madaxda Sare ee Ururka Wadamada Dhaca Badweynta Hindiya (Indian Ocean Rim Association (IORA).

Kulankan ayaa diiradda lagu saarayaa dib-u-eegista waxqabadkii ururka muddadii la soo dhaafay, qiimeynta caqabadaha horyaalla, iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka xubnaha ka ah ururka.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu diyaarinayaa talooyin iyo ajandayaal muhiim ah oo loo gudbin doono, kulanka Guud ee Golaha Wasiirrada ee dalalka xubnaha ka ah (IORA) si loo sii ambaqaado dadaallada lagu horumarinayo iskaashiga, amniga badaha, iyo horumarinta bulshooyinka ku nool hareeraha Badweynta Hindiya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...