Axad 14 Juun 2026 {HMC} Hay’adda ugu sarraysa Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan siinaysa lacagihii uu ka heli lahaa Koobka Adduunka 2026 kaddib markii Garsoorahaan Dowladda Maraykanka ay kahor istaagtay in uu shaqadiisa guto.
FIFA oo markii Cumar Cartan dib loogu celiyay Dalka Turkiga u muujisay Garab istaag xooggan ayaa ka raalligelisay caqabadda ay hordhigtay Dowladda Maraykanka ee sababtay in uusan kasoo muuqan Koobka Adduunka 2026 oo uu kamid ahaa Garsooreyaasha lasoo xulay.
Tani waxa ay dhiirragelin u tahay Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo horay garab istaag uga helay Dad isugu jira Bahda Isboortiska, Siyaasiyiin, Madax iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada kuwaas oo ka dhiidhiyay ishortaaggii lagu sameeyay.
Cumar Cartan ayaa dulqaadkiisa, falcelintiisa wanaagsan iyo is hor istaaggaas lagu sameeyay waxa uu ku mutaystay in Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee UEFA uu u dhiibo kulanka fiinaalka ah ee Uefa Super Cup oo ay ku ballansan yihiin PSG vs Aston Villa 12ka August 2026.

