Sabti 12 Juun 2026 {HMC}Â Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa dalbaday in mucaaradka loo maxkmadeeyo dagaaladii ka dhacday dhawaan Magaalada magaalada Muqdisho.
Qoraal uu ku daabacay Bartiisa Facebook Wasiir Fiqi ayaa u qornaa Sidan.
Shatiga sharciga Dad-laynta ma jirto cid haysata.
Shacabka Soomaaliyeed ee guryahooda hoobiyaha ay ku duqeeyeen kooxda RSF ee mucaaradka sheeganaysay ee uu soo gaaray khasaaraha Kala duwan ee isugu jira dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale burbur hantiyeed waxaa u furan in ay Maxakamadaha dalka dacwad ka dhan ah kooxdaas ay u gudbiyaan, xaqoodana aysan meel cidla ah uga harin.
Waxaa dalkaan soo martay waqtiyo dadka la isaga layn jirey sidii ayadoo shati sharci dad-layn la haysto oo kale, laakin hadda waa ka duwan tahay waqtiyadaas ay Maxkamadaha iyo cadaaladuba maqnaayeen.
Waxaan ka saacidaynaa haddii loo baahdo in ay helaan qareenno aqoon sare leh oo la soo dhiciya xaqooda, si isla xisaabtan la’aantii dhici jirtay meesha looga saaro, ayna ku waantoobaan kuwa qandaraaska dad laynta iyo dawlad burburinta la soo siiyo.


