{DAAWO SAWIRADA} Maxeey ka wada Hadleen Taliyaha Malatariga Soomaaliya iyo Saraakiishii ka socotay Masar.?

Sabti 12 Juun 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka XDS, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay U Qaybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Jamhuuriyadda Carabta Masar Ee Dalkeena Soomaaliya S/Guuto Ahmed Fathi Abdisitar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada tababarrada ciidamada, taageerada howlgalka AUSSOM, iyo horumarinta xiriirka milatari ee ka dhexeeya Dalalka Soomaaliya iyo Masar.

Intii uu kulanku socday, Taliyaha Ciidanka XDS ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Dhankiisa, U Qaybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Masar S/Guuto Ahmed Fathi Abdisitar ayaa xaqiijiyay sida ay dowladda Masar uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xoojiyo amniga, xasilloonida iyo horumarinta awoodda Ciidanka XDS.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tababarrada iyo dhismaha awoodda Ciidanka XDS.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...