Rag burcad-badeed ah oo isu soo dhiibay Puntland.

Sabti 13 June 2026 {HMC} Puntland ayaa sheegay in ay isu soo dhiibeen saddex ka mid ah kooxda burcad-badeeda ah ee haysatay markabka MV Sward oo ku afduuban xeebaha degmada Jariiban ee gobolka Mudug.Africans & Diaspora

Raggan ayaa isu soo dhiibay odayaasha dhaqanka degmada Jariiban, iyaga oo sheegay in ay ka baxeen burcad-badeeda, islamarkaana ay ka cafis ka rabaan dowladda Puntland.

Odayaasha deegaanka ayaa dowladda ka codsaday in ay cafiso raggan, waxaana dowladdu ay ka aqbashay codsigaas, sida lagu sheegay shir ay yeesheen odayaasha iyo taliyaha saldhigga degmada Jariiban.

Puntland ayaa muddooyinkii dambe howlgal ka dhan ah burcad-badeeda ka waday xeebaha gobollada Mudug, Karkaar iyo Bari, kuwaas oo lagu haysto saddex markab.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iiraan oo ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib Duulaan Culus uu ku qaaday Sacuudiga.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib markii Dowladda Sacuudiga ay Duulaan xoogan ku qaaday Kooxda Xuutiyiinta...