Imaaraadka oo Malaayiin Dollar siiyay Iiraan si ay Weerarada Uga Joojiso.

Sabti 13 June 2026 {HMC}  Imaaraadka Carabta ayaa ogolaaday inuu Iran u siiyo lacag u dhaxaysa $10 ilaa $20 bilyan oo doolar, iyadoo $3 bilyan oo kamid ah mar hore la gaarsiiyay Iran, sida ay ku warantay Reuters.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii uu heshiis dhexmaray labada dhinac si loo joojiyo weeraradii Iran ay ku qaadaysay Imaaraadka muddadii uu socday dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iran. Sida ku xusan warbixinta Iran, wax weerar ah kuma qaadin Imaaraadka tan iyo May, 4-teedii, markaad oo ay dekedda fujayrah qarxiyeen.

Heshiiskan ayaa albaab weyn u furay wada-hadallada Iran iyo Imaaraadka. Sirdoonka labada dhinac ayaa is-weydaarsaday booqashooyin; mas’uuliyiin ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran ayaa toddobaadkii hore booqday Abu Dhabi, waxaana xigtay booqasho ay mas’uuliyiin reer Imaaraad ah ku tageen Tehraan si loo dhammaystiro habka lacag-bixinta.

Warbixintu makala caddayn in lacagta la fasaxay ay tahay dhaqaale Iran kaga xannibnaa bangiyada Imaaraadka iyo inkale. Waxayse sheegtay in Imaaraadku danaynayo inuu waxkasta u sameeyo si uu ammaan u helo.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...