Jimco, 12 June 2026 {HMC}Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa Baasabaroorka Soomaaliga mid aan ahayn in uusan rabin isaga oo fariin u diray Dhallinyarada iyo Dadka siyaasiyiinta ah ee Baasaboorrada Ajnabiga ah waxaana uu sheegay in looga baahan yahay in kooda ay iimaansadaan.
Cumar Cartan ayaa sheegay in Baasaboor shisheeye oo lagu siiyo ay ka dhigan tahay in aad qaxooti tahay sidaas awgeed haddii qofka uu baasaboor doonayo ay habboon tahay in uu qaato kan Dalkiisa Hooyo sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu rajeeyay in Waddankeenna uu soo hagaago isla markaana ay u istaagaan Dhallinyaradiisa si loo horumariyo, waxaana uu Dhallinyarada iyo Dadka kale ee doonayao Baasaboor Ajnabi ah in ay ogaadaan muhiimadda uu kooda leeyahay.
“Baasaboor aan keenna ahayn ma rabno, Dhallinyardu ma ahan ay caadifad qaaddo oo ay dhahaan waddanka waan nacnay oo qaxooti ka door bidaan, qof aan qaxooti ahayn ama soo marin oo Baasaboor haysta ma jiro” Sidaasi waxaa yiri Cumar Cabdulqaadir Cartan oo ah Garsoore katirsan FIFA.
Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa ku adkaystay ku dhegnaanta Baasaboorka Soomaaliya, waxaana dhowaan dib looga soo celiyay Dalka Maraykanka iyada oo laga hor istaagay in uu kamid noqdo Garsooreyaasha Koobka Adduunka ee 2026 oo FIFA ay usoo xulatay.

