Jimco, 12 June 2026 {HMC}Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa eedeyn culus u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu maadaama uu caadaystay mar weliba oo guullo hordhac ah laga gaaro colaadda Bariga Dhexe uu dagaallada dib u billaabo.
Waxa uu xusay in uu dhexda ka taagan yahay khaladaad badan sidaas oo ay tahay waxa uu sheegay in Maraykanka uu garab istaag u muujiyay marar kala duwan oo uu Netanyahu qaatay go’aamadaas qaldan oo saamaynta dhaliyay.
JD Vance oo Maraykanka ku metalay wadahadalladii dhacay ee lala galay Iiraan ayaa markii ugu horreysay waxa uu eedeymo aan kala go’ lahayn dusha uu ka saaray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inkasta oo uusan si toos ah carrabka ugu dhufan.
Waxaa kasii horreeyay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo canaantay todobaadkii hore Benjamin Netanyahu isaga oo uga digay in uu kusii seeta-dheereeyo colaadda Bariga Dhexe oo khasaaraha badan dhaxalsiisay Washingto

