Cirro oo looga digay in uu meel mariyo heshiiska Abraham Accords

Jimco, 12 June 2026 {HMC}Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo ku wajahan Magaalada Tel Aviv ayaa looga digay in uu saxiixo heshiiska Abraham Accords ee dalalkii horay Israa’iil ula galay ay dib uga laabteen heshiiskaas.

Cirro ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaatay madaxda Maamulka Israa’iil isaga oo kala hadlaya culayska dibadda iyo gudaha kasoo koray Maamulkiisa Waqooyi Galbeed tan iyo markii uu qaaday tallaabooyin uu dhankaas ugu dhawaanayo.

Culimo, Aqoonyahanno iyo Dad kala duwan ayaa Cabdiraxmaan Cirro uga digay in uu heshiiskaas galo maadaama uu kahor imaanayo Diinta Islaamka, waxaana ay fariin ay u direen kala kulmeen cadaadis dhinaca maamulka ah.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa safarkiisa Tel Aviv usii maraya Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, qaar kamid ah culimada ku sugan deegaannada maamulka Waqooyi Galbeed ayaa la saaray culays la xiriira diidmada safarkaas Cirro ee Dhulka Israa’iil xoogga ay ku haysto.

La soco wixii kasoo kordha

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...