Jimco, 12 June 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Doorashada Qof iyo codka ah la qaban karo iyada oo la saxayo khaladaadka ka jira howlaha qaar ee la qabanayo sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in 58 sano kaddib aanay suuragal noqon Karin weli dalka laga ilaaliyo doorasho Dadweyne iyada oo la qaban karo isla markaana la haysta fursado badan oo lagu hirgelin karo riyadaas.
“58 sano kahor ayaa noogu dambaysay doorasho, wax way naga qaldan yihiin waxna way inoo saxan yihiin waxaa loo baahan yahay in aan qabano doorashada si wixii qaldamay berri loo saxo, waxaan u baahanahay labo Xisbi oo wayn oo Dalka ku tartama” Ayuu yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa uu xusay in Axsaabta badan ee hadda dhisan laga soo reebayo 3 Xisbi Qaran iyada oo Xisbiyada kale ee soo haray ay isu tagi doonnaan si ay awooddooda dhinac isugu geeyaan una maamulaan awoodda Dowladeed ee Dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meesha ka saaray in Dowladdu ay doonayso inay isku dhajiso Xilka ama maamulka Awoodeed ee Dalka balse ay doonayso in ay qabato doorasho Dadweyne oo meesha ka saarayso mid dadban.
“Dalkaan in ay doorasho ka dhacdo ayaan rabnaa, Tikteetar iyo boqortooyada ma rabno xalna ma ahan, Shaatiga Dowladnimada wuu tolan yahay ee waa in uu gashto qofka uu u galo, yaa gashan karo oo ku jin yahay waaye su’aasha? Ayuu yiri MW DFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

