Khamiis, 11 June 2026 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay inuu hakiyay duqayn uu hore u sheegay in laga fulin doono Iiraan, isaga oo sheegay in weli ay jiraan dadaallo diblomaasiyadeed iyo wada-hadallo socda. Trump ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Mareykanka ay heegan ku sii jiri doonaan haddii aan xal siyaasadeed la gaarin.
Dhanka kale, masuuliyiin ka tirsan Iiraan ayaa sheegay in hanjabaadaha iyo go’aannada degdegga ah aysan wax xal ah u keenayn xiisadda taagan, balse ay sii kordhinayaan khatarta colaadda gobolka. Waxay ku baaqeen in khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal iyo diblomaasiyad.
Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ayaa weli taagan, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsanayaan hanjabaado iyo cadaadis siyaasadeed, halka dadaallada dhexdhexaadinta ay socdaan

