Qamiis, 11 June 2026 {Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa duqeymo ka fuliyay Saldhigyo ay ciidanka cirka Mareykanka ku leeyihiin dalalka Kuwayt, Baxrayn iyo Urdun.
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa lagu caddeeyay in weerarada ay yihiin kuwo aargoosi ah, isla markaasna looga jawaabayo duqeyamaha Mareykanka.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymaha.
Dawladda Kuwayt ayaa ku dhawaaqday inay xirtay hawadeeda, iyadoo tilmaamtay in ay ka hortay tiro gantaalo ah oo lagu soo weeraray gudaha dalkaasi.
Xaaladda Bariga Dhexe ayaa weli kacsan, waxaana labada dhinac ee Mareykanka iyo Iiraan ay fulinayaan Duqeymo.

