Maxaa kasoo kordhay loolanka Doorashad amadaxtimo ee KGS?

Talaado, 9 June 2026 {HMC}Magaalada Baydhabo xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa ka socda loolan xooggan oo u dhaxeeya Musharrixiinta doonaysa in ay u tartamaan Hoggaamiyaha maamulkaas iyada oo qaarkood ay cabasho gudbiyeen.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa cabasho ka keenay habka loola dhaqmayo musharrixiinta qaar halka qaar kale culays lagu saarayo waa sida uu hadalka u dhigay, waxa uu dalbaday in si siman loogu qabto tartanka Doorashada Hoggaamiyaas.

“Waxaan u baahannahay musharrax aan simannahay oo tartanno, waligeed lama arag iyada oo la leeyahay warqadaha doorashada iisoo sawir” sidaasi waxaa yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kamid ah Musharrixiinta Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Doorashada Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Berri iyada oo ay u tartamayaan saddex musharrax oo kala ah, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Shariif Xasan Sheekh Aadan & Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cismaan Jawaa

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iiraan oo ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib Duulaan Culus uu ku qaaday Sacuudiga.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib markii Dowladda Sacuudiga ay Duulaan xoogan ku qaaday Kooxda Xuutiyiinta...