Isniin 8, June 2026 {HMC}Muuqaal aad u cabsi badan islamarkaane argagax leh ayaa laga duubay dhulgariirkii ka dhacay dalka Philippine
Dad badan oo guryahooda ka cararay cabsi ay ka qabaan dhulka gariirka ayaa argagax ku dhacay oo dhulka daadsan
Hay’adda Qaranka ee Maareynta Musiibooyinka dalka Philippine waxay sheegtay in ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen dhulgariirka, kuwaas oo 12 ka mid ah ay ku dhinteen gobolka Soccsksargen ee jasiiradda Mindanao, halka 3 kalena ay ku dhinteen gobolka Davao Occidental
Sidoo kale Dhismayaal badan ayaa la xaqiijiyay in uu gaaray burbur xoogan
Dhulgariirka xooggan ee ku dhuftay dalka Philippine ayaa cabbirkiisu lagu qiyaasay 7.8
Kooxaha samatabbixinta ayaa weli ka shaqeynaya goobaha ay dhismayaashu ku burbureen, waxaana laga cabsi qabaa in tirada khasaaruhu ay sii kororto See less

