Wasiirka Batroolka iyo Khayraadka Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Tamarta Turkey.

Jimco 22 May 2026 {HMC} Wasiirka Tamarta ee Turkey ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Somalia, Daahir Shire Maxamed, intii lagu guda jiray Shir Madaxeedka Khayraadka Dabiiciga ah ee Istanbul.

Mas’uuliyiinta labada dal ayaa ka wada hadlay howlaha qodista shidaalka ee ka socda xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo ay Turkigu ka qeyb qaadanayo, iyagoo sheegay in geeddi-socodka sahaminta uu si wanaagsan u socdo.

Wasiirka Tamarta Turkiga ayaa sheegay in iskaashiga dhinaca tamarta ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu gaaray heer wax ku ool ah, isla markaana labada dhinac ay qorsheynayaan in ay sii xoojiyaan maalgashiga iyo wada shaqeynta dhinacyada tamarta iyo macdanta.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Rw Xamse oo la kulmay Taliyaha Difaaca Cirka Pakistaan.

Muqdisho, 22 Sep 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Dowladda Pakistan...