Wasiirka Amniga oo la Kulmay Wasiirrada Amniga ee Dawlad-goboleedyada Soomaaliya.

Jimco 4 Sep 2026 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Arbacadii xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay wasiirrada u qaabilsan amniga ee Dawlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Waqooyi Bari.

Wasiirrada dawlad-goboleedyada ayaa Muqdisho u jooga ka qaybgalka Shirka Qaran ee Amniga Gudaha, oo la qabanayo 1-da ilaa 2-da Sebtembar 2026.

Shirku wuxuu diiradda saarayaa xoojinta amniga gudaha, sare u qaadidda isku-dubbaridka hay’adaha amniga iyo horumarinta iskaashiga Dawladda Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada.

Kulanka Wasiirka Federaalka iyo wasiirrada amniga ee dawlad-goboleedyada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo isku-dubbaridka dadaallada amniga, oo ay ka mid yihiin iswaafajinta qorshayaasha amniga iyo wax ka qabashada caqabadaha amni ee dalka ka jira.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sii wada inay mudnaan siiso xoojinta isku-dubbaridka iyo iskaashiga hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dawlad-goboleed, si loo taageero hannaan amni qaran oo mideysan oo wax-ku-ool ah.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Erdogan oo sheegay in heshiiska difaaca ee Maka uusan ku wajahneyn Iiraan ama Israa’iil.

Jimco, 25 Seb 2026 {HMC} Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka ee u dhexeeya Turkiga, Bakistaan iyo...