Turkiga oo xoojinaayo awooddiisa millateri ee Geeska Afrika.

Friday, 28, August 2026 {HMC} Dowlada Turkiga ayaa xoojinaya awooddiisa millateri ee Geeska Afrika, isaga oo laba markab oo kuwa ciidamada badda ah, TCG Kemalreis & TCG Yzb. Güngör Durmuş u diray gobolka.

Maraakiibtan ayaa tegeya Jabbuuti, si ay u taageeraan hawlgallada Ciidanka Badda Soomaalida iyo gaadiidka saadka ee gooshaya Badda-cas, Gacanka-cadan ilaa Badweynta Hindiya.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sida oo kale sheegtay in ay Soomaaliya siinayso taageerada lagama maarmaanka ah ka dib afduubka markabka MV Lutuf, iyada oo iskaashi lala sameynayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tan oo imanaya xilli Puntland ay Turkida ku eedeysey in ay ka danbeysey duqaymo dad lagu diley oo laga geystey xeebta Gobolka Nugaal, halkaas oo lagu haysto lix markab oo kala duwan oo uu ku jiro MV Lutuf oo la sheegey in uu u raran yahay xarunta Turkida ee Magaalada Muqdisho.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iiraan oo ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib Duulaan Culus uu ku qaaday Sacuudiga.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib markii Dowladda Sacuudiga ay Duulaan xoogan ku qaaday Kooxda Xuutiyiinta...