Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeeray Difaacyada Ciidanka ee Baydhabo.

Axad 29 Nov 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay difaacyada ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga Dalka ee magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ugu kuurgalay xaaladda ciidanka, heegankooda iyo dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga.

Taliyaha ayaa halkaas kula hadlay saraakiisha iyo ciidamada, isaga oo ku dhiirrigeliyay geesinnimada, feejignaanta iyo naf-hurnimada ay u muujiyaan difaaca dalka iyo ilaalinta shacabka. Waxa uu ku boorriyay inay sii laba-jibaaraan gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Taliyaha ayaa ku abaalmariyay Ciidankan geesinimada ay ku muujiyeen Difaaca Dalka & Garab istaaga bulaashadooda, Isaga qaar ka mida saraakiisha u xiray mudnaantooda iyo ka go,anashaha difaaca dalka.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa ciidamada u xaqiijiyay in Taliska Guud uu garab taagan yahay, isla markaana uu muhiimad gaar ah siinayo dhiirrigelinta, daryeelka iyo horumarinta ciidamada, si ay mar walba ugu diyaar ahaadaan difaaca dalka iyo xaqiijinta amni iyo xasillooni waarta.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

1,200 Tahriibayaal Afrikaan ah oo Gaaray Jasiiradaha Giriigga.

Axad 29 Nov 2026 {HMC} 1,200 oo qof oo ka soo tahriibay qaaradda Afrika ayaa lagu soo warramayaa in ay gaadheen dalka Giriigga gaar...