Axad 29 Nov 2026 {HMC} 1,200 oo qof oo ka soo tahriibay qaaradda Afrika ayaa lagu soo warramayaa in ay gaadheen dalka Giriigga gaar ahaanna Jasiiradaha Crete iyo Gavdos sida ay sheegtay Warbaahinta CGTN Africa.
Dadkan ayaa ka soo tahriibay xeebaha dalka Libya inkasta oo aan la sheegin waddamada rasmiga ah ee ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan ama ay markii hore ka soo galeen dalka Libya.
Tahriibeyaasha ka baxaya qaaradda Afrika gaar ahaana xeebaha Waqooyiga Afrika ayaa si weyn u kordhay bishan iyada oo in ka badan 4000 oo qof ay xeebaha Spain gaadheen toddobaayadii la soo dhaafay oo keliya.

