Taliyaha ciidanka Pakistan oo gaaray magaalada Tehran si uu u dar dargeliyo wada-hadallada Iran iyo Maraykanka.

Jimco 22 May 2026 {HMC} Taliyaha ciidanka Pakistan Asim Munir ayaa gaaray magaalada Tehran si uu u dar dargeliyo wada-hadallada u dhexeeya Iran iyo Maraykanka.

Imaanshaha taliyaha ayaa loo fasirtay inay jiraan isu-soo dhowaansho iyo rajo laga qabo in heshiis la gaaro, balse afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan Esmaeil Baghaei ayaa sheegay in booqashadu aysan ka dhignayn in heshiis dhow yahay.

Wuxuu xusay in weli uu jiro farqi weyn oo u dhexeeya mowqifyada Iiraan iyo Maraykanka, isla markaana aan si degdeg ah heshiis lagu gaari karin.

Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan ayaa horey safar ugu joogay Tehran toddobaadkan, iyadoo maanta uu ku biiray taliyaha ciidanka Pakistan Asim Munir, taas oo muujinaysa dadaallada culus ee Islamabad ay ku doonayso inay ku dhex-dhexaadiso labada dhinac.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...