Soomaaliya oo koronto ka soo iibsanaysa Itoobiya.

Talaado 19 May 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtey in ay meel wanaagsan marinayso qorshe ay koronto uga soo iibsanayso Itoobiya.

Wasiirka Biyaha DFS, Bidhaan oo la hadlayey Barnaamijka Miisaan ayaa sheegey in korontada ay dalka ka soo geleyso Galdogob, Wajaale & Doolow, isla markaasna uu maalgelinayo Baanka Adduunku.

DFS waxay sheegtey in korontadan lagu heleyo qiime dhan shan-sent $0.05, tani oo si weyn hoos ugu dhigeysa qiimaha koronto ee magaalooyinka oo qaali dhaafay.

Itoobiya oo korontada ka samaysa tamarta biyaha ayaa xilligan koronto jaban siisa wadamada Jabuuti iyo Kenya

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wafdi ka socday Safaaradda UK ee Soomaaliya oo Booqday Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Talaado 22 Sep 2026 {HMC} Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey wafdi ka socday Safaaradda UK ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayey U-qeybsanaha...