Soomaaliya oo ka qeyb galeyso Shir looga Hadlaayo xallinta khilaafaadka.

Axad 30 Aug 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga 21aad ee gaarka ah ee Madaxda Dalalka iyo Dawladaha ee Golaha Midowga Afrika, kaas oo madaxda qaaradda Afrika u ga doodayaan xoojinta ka-hortagga iyo xallinta khilaafaadka.

Kalfadhigan ayaa madaxda Afrika ka ga arrinsanayaan sidii qaaraddu tallaabo wadajir ah u gu wajihi lahayd khilaafaadka, u hirgelin lahayd maalgelin joogto ah oo la gu taageero nabadda iyo amniga, u na xoojin lahayd wada-shaqeynta hay’adaha qaaradda iyo bahwadaagta caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay doodaha socda ku biirinayso waayo-aragnimadeeda ku aaddan garab-istaagga Afrika iyo muhiimadda ay leedahay in guulaha la ga gaaro sugidda amniga la gu xoojiyo hindisataasha qaran ee nabad iyo xasillooni waarta.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda iyo mucaaradka Soomaaliya oo la filayo in ay heshiis ka gaaraan arimaha khilaafaadka.

Sabti, 5, Sept 2026 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa maalmaha soo socda saxiixi kara heshiis lagu dhisayo Guddiga Hawlgalka Kala-guurka...