Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo Ansixisay Natiijada Doorashada Koonfur Galbeed. {AKHRISO}

Isniin May 25, 2026 {HMC Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada ee Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed (KGS), kadib fadhiyo is xigxigay oo ay ku eegaysay dacwado iyo hannaanka doorashada.

Go’aankan ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka la xiriira qaabka doorashooyinka iyo kala aragti duwanaanta u dhaxeysa hay’adaha doorashada iyo dhinacyada siyaasadda.

Maxkamaddu waxay sheegtay in ay tixgelisay Dacwado la xiriiray habraaca doorashada, Qoraallo iyo cabashooyin loo gudbiyay iyo Warbixinno ay soo gudbiyeen Guddiga Doorashooyinka, Kadib, waxa ay go’aamisay in natiijada doorashada Koofnur Galbeed ay tahay mid waafaqsan sharciga dalka, isla markaana ay mudan tahay in si rasmi ah loo aqoonsado.

Sida ku xusan dukumintiga kasoo baxday Maxkamadda ayaa lagu ayiday dhammaan maclumaadkii ay gudbiyeen Guddiga Doorashooyinka sida in doorashada Koonfur Galbeed ay ka qeyb galeen Tiro codbixiyeyaal oo gaaraya 132,430, waxaana Codadka la ansaxiyay uu noqday 128,276 waxaana kuwa la diiday ee Codadka xumaaday ay noqdeen 4,154 iyadoo Tirada guud ee goobaha sanaadiqda la dhigay ay ahaayeen 298 goobood.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...