Maxay ka wadahadleen RW Xamsa iyo Safiirka cusub ee Jabuuti?.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle, kaas oo dhawaan warqadaha aqoonsiga danjirenimo uu ka guddoomay Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Danjiraha cusub ayaa Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo xusay in uu sii adkeeyn doono xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, kaas oo ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu hambalyeeyay Danjiraha cusub xilka loo soo igmaday, isaga oo u rajeeyay guul iyo in uu sii xoojiyo xiriirka labada dal. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay adkeynta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya labada dal.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda Soomaaliya oo sarkaal ciidan u xirtay tacaddiga maxbuus Shabaab ah.

Sabti, 5, Sept 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in la xiray sarkaal ka tirsan ciidamada oo lagu eedeeyay inuu...