Masar ayaa ugu digtay Maamulka Waqooyi Galbeed safarada uu ka furanayo Qudus.

Talaado 21 May 2026 {HMC}  Dowladda Masar ayaa cambaareysay go’aanka Maamulka Waqooyi Galbeed ku sheegay in ay safaarad kaga furan doonaan magaalada Qudus.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa looga digay Maamulkaasi in ay furtaan Safaarad, xilli magaalada Qudus ay tahay goob ay heysato Israa’iil.

“Tallaabadan waa mid jebineysa shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka Qaramada Midoobay, waxaan caddeynayna in Qudus tahay dhul ay leeyihiin Shacabka Falastiin oo la heysto tan iyo sannadkii 1967” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Qoraalkan oo sii socda ayaa lagu yiri “Go’aan kasta oo looga danleeyahay in lagu badalo Taariikhda waa mid baadil ah oo waxba kama jiraan ah”

Sidoo kale, Masar ayaa sheegtay in ay si buuxda u taageerayso midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hadalkan ka soo baxay Dowladda Masar ayaa ku soo aadaya xilli Dowladda Soomaaliya iyo dhammaan dalalka Caalamka ay ka hor yimaadeen dhaqdhaqaaqyada ay Maamulka Waqooyi Galbeed ku doonayaan in ay Safaarad uga furtaan magaalada Qudus.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda Soomaaliya oo sarkaal ciidan u xirtay tacaddiga maxbuus Shabaab ah.

Sabti, 5, Sept 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in la xiray sarkaal ka tirsan ciidamada oo lagu eedeeyay inuu...