Mareykanka iyo Iiraan oo lagu warramayaa in ay gaareen heshiis hordhac ah

Khamiis 28, May 2026 {HMC} Mareykanka iyo Iiraan ayaa lagu warramayaa inay gaareen heshiis hordhac ah oo soconaya 60 maalmood, kaasoo lagu kordhinayo xabbad-joojinta isla markaana lagu bilaabayo wada-hadallo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan, sida ay werisay Axios oo xiganaysa sarkaal sare oo Mareykan ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay Trump inuusan wali bixin oggolaanshihii ugu dambeeyay ee heshiiska.

Saraakiisha Mareykanka waxay sheegeen in inta badan qodobada heshiiska la isku raacay Talaadadii, balse labada dhinac ay wali sugayeen ansixinta hoggaankooda sare.

Trump ayaa la sheegay inuu codsaday dhowr maalmood oo uu kaga fiirsado heshiiska kadib markii wafdiga Mareykanka ay uga warbixiyeen faahfaahinta heshiiska, halka Iiraan la sheegay inay diyaar u tahay heshiiskan inay saxiixdo.
Qodobada ugu muhiimsan ee heshiiska waxaa kamid ah:

•In muddo 60 maalmood ah la kordhiyo xabbad-joojinta.

•In marin-biyoodka Hormuz uu noqdo mid si xor ah loogu kala gudbi karo.
•In aan maraakiibta lagu soo rogin canshuur ama cadaadis.

•In Iran laga doonayo inay 30 maalmood gudahood ka saarto dhammaan miinooyinka ku jira marinka Hormuz.

•In Mareykanku qaado xanibaadda ciidamada badda, iyadoo arrintaas la jaanqaadayso dib usoo laabashada maraakiibta ganacsiga.

Heshiiska hordhaca ah ayaa sidoo kale dhigaya in Iiraan aysan sameysan hub nukliyeer iyo in qodobada ugu horreeya ee laga wada hadlayo ay noqdaan uranium-ka si heer sare ah loo hodmiyay iyo mustaqbalka hodminta uranium-ka Iiraan.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa oggolaaday, in wadahadal laga galo yareynta cunaqabateynta, sii deynta lacagaha Iiraan laga xayiray,
iyo hab lagu fududeynayo in Iiraan ay hesho badeecooyin iyo gargaar bani’aadannimo inta wada-hadalladu socdaan.

Ugu dambeyntii, Iiraan wali kama hadlin heshiiska hordhaca ah ee Axios ay soo bandhigtay.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...