Malaayiin Xujeey ah oo maanta istaagtay Banka Carafo.

Isniin May 25, 2026 {HMC}  In ka badan hal milyan iyo bar xujaaj ah ayaa maanta taagan bannaanka Carafo si ay u gutaan rukniga ugu weyn ee waajibaadka Xajka, kadib markii ay dhegeysteen khudbaddii maalinta Carafo oo uu jeediyay Sheekh Ali Al-Hudhaifi.

Khadiibka ayaa khudbaddiisa kaga hadlay muhiimadda ay leedahay cabsida Alle, midnimada Muslimiinta iyo in laga fogaado kala qeybsanaanta, isagoo sheegay in cibaadada Xajku ay ka fog tahay arrimo siyaasadeed iyo xisbinimo.

Malaayiin Muslimiin ah oo dunida dacalladeeda ku kala nool ayaa si toos ah ula socday khudbadda Carafo, halka bannaanka Carafo ay hareeyeen jawi cibaado, duco iyo ilmeyn leh.

Kadib salaaddii duhur iyo casar oo la isku jamciyay lana soo gaabiyay, xujeyda ayaa gacmaha kor u taagay iyagoo Alle baryaya, waxaana hawada si weyn uga baxayey codadka talbiyada “Labbeykallahumma Labbeyk”.

Wasaaradda Xajka Sacuudiga ayaa sheegtay in dhammaan xujeyda si nabad ah loogu daad-gureeyay buurta Carafo iyo nawaaxigeeda, iyadoo howlgalka sanadkan lagu adeegsaday tareennada mashaa’irta iyo kumannaan bas oo loogu talagalay isku socodka xujeyda.

Marka qorraxdu dhacdo caawa, xujeyda ayaa u gudbi doona Muzdalifa halkaas oo ay ku tukadaan salaadaha maqrib iyo cishaha, kuna hoydaan habeenka ka hor maalinta Ciidda Carafo.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...