Koofur Afrika oo sheegtay in ay ilaalineyo Ajaanibta Dalkaas ku nool si aan loo beegsan.

Jimco 21 May 2026 {HMC} Dowladda Koofur Afrika ayaa heegan gelisay Ciidamada Booliiska gaar ahaan kuwa kahortaga rabshada si ay u kala eryaan dadka ka dibadbaxaya ajaanibta ku nool Dalkooda, waxaa sidoo kale ay ciidamo dhigtay goobaha ay u badan yihiin Ajaanibtaas si aan loo beegsan.

Saraakiil katirsan ciidamada ammaanka Koofur Afrika ayaa sheegay in Sabtida iyo Axadda ay jirto cabsi xooggan oo laga qabo Dadka caraysan ee doonaya in Dalkooda looga saaro Ajaanibta goobaha Ganacsiga ku leh Dalkaasi.

Qorshahaan oo lagu fasiray shirqool ka yimid Dalalka Reer Galbeed oo madaxa isugu gelinaya Caddaanka iyo Madowga Dalkaas iyaga oo marka hore iska hor keenaya dadka madow oo lacago lasoo siiyay iyo Ganacsatada Ajaanibta ah ee isla qaaraddaan kasoo jeedda.

Madaxweynaha Dalka Koofur Afrika, Cyral Ramaphosa oo la hadlay Dadkiisa ayaa sheegay in Dowladdu ay mas’uul ka tahay ilaalinta sharciga lana xisaabtamayso Dadka sharci darrada ku jooga dalkooda balse aanay ahayn la beegsado.

Dalal badan sida Tanzania, Ghana & kuwo kale ayaa ku dhawaaqay in ay muwaadiniintooda kala baxayaan Koofur Afrika si aanay dhibaato loogu gaysan maadaama Dad badan la dilay maalmihii lasoo dhaafay, qaarkood ayaa si arxan-darran loo jirdilay kahor inta aan la dilin.

Qaar kamid ah Soomaalida ku nool Koofur Afrika ayaa Mustaqbal u sheegtay in ay si feejigan ay ugala socdaan dhaqdhaqaaqyada ka socda Dalkaas, goobaha ugu badan ee lagu beegsado ayay ka billaabeen isku xirnaan dhexdooda si ay isaga warqabaan.

Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika, Jacob Zuma ayaa qudhiisa ku biiray siyaasiyiinta dadkiisa u diraya fariimaha nabadda iyo in laga hortago beegsiga Ajaanibta maadaama ay fahamsan yihiin halka laga soo abaabulay shirqoolkaan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...