Sabti 12 Sep 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magaalada Muqdisho xaflad sagootin ah ugu sameeyey Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alper Aktaş, kaas oo soo gabagabeeyey muddo-xileedkiisii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, islamarkaana dhowaan dib ugu laabanaya dalkiisa.
Xafladda sagootinta ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, diblomaasiyiin, saraakiil, arday wax ku soo baratay dalka Turkiga iyo marti sharaf kale.
Mas’uuliyiintii ka hadashay xafladda ayaa si weyn ugu mahadceliyey Dowladda Turkiga garab istaagga, taageerada iyo xiriirka walaaltinimo ee ay la leedahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Danjire Alper Aktaş ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay inuu Soomaaliya ka howlgalo, isagoo xusay inuu aad ugu faraxsan yahay muddadii uu dalka ka howlgalayey, waxaana uu tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu marayo heer aad u wanaagsan, isla markaana labada dal ay iska kaashanayaan dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Danjiruhu wuxuu sidoo kale sheegay in qorshayaal muhiim ah oo dhinaca horumarinta tiknoolajiyadda ah ay Soomaaliya ka socdaan, isagoo xusay in sannadka 2027 la qorsheynayo in Soomaaliya laga hirgeliyo xarun dayax-gacmeed laga diro, isla markaana dayax-gacmeedkii ugu horreeyey laga diro dalka, sidoo kalena waxa uu sheegay in dhowaan xeebaha Soomaaliya ay soo gaari doonaan maraakiib ka qeyb qaadan doona howlaha ka socda xeebaha dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo gebagabadii xafladda ka hadlay ayaa si qoto dheer uga hadlay taariikhda dheer ee xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Turkiga, marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray iyo heerka sare ee uu maanta xiriirka labada dal marayo.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay Soomaaliya u gashay abaal iyo taageero aan la iloobi karin, gaar ahaan wakhtiyo adag oo ay Soomaaliya garab u baahneyd, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba illoobi doonin garab istaagga iyo walaaltinimada ay Dowladda iyo shacabka Turkigu u muujiyeen.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa Danjire Alper Aktaş uga mahadceliyey shaqadii iyo dadaalkii uu muddadii uu Soomaaliya joogay ka geystay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo u rajeeyey guul iyo mustaqbal wanaagsan.
DHAMMAAD.

