Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo hadalkii Wasiirka Gaashaandhigga.

Khamiis 21 May 2026 {HMC}  Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa bayaan ay soo saareen ku cambaareeyay hadallo ay sheegeen in uu jeediyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo lagu beegsanayo mucaaradka iyo xubnaha golaha.

Warsaxaafadeed ay maanta soo saareen ayaa lagu sheegay in goluhu uusan u arkin hadalladaasi kuwo shaqsiyeed oo keliya, balse ay ka tarjumayaan “cadaadis siyaasadeed” oo ay sheegeen in muddooyinkii dambe lagu hayay siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Goluhu wuxuu si gaar ah u xusay sida Bayaankoodi ku xusan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo sheegay in mucaaradka lagu wajahayo caburin iyo hanjabaado la xiriira aragtidooda siyaasadeed.

Bayaan-ka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay wajahayso xaalad adag oo dhinaca siyaasadda iyo sharciga ah, iyadoo goluhu ugu baaqay madaxda dowladda inay ilaaliyaan dastuurka iyo xorriyadda hadalka.

“Waxaa muhiim ah in lagu tartamo hannaan sharci ah oo ku dhisan wada-hadal iyo dimuqraadiyad,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka iyo beesha caalamka inay si dhow ula socdaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Warka kasoo baxay Golaha ayaa imaanaya saacado kadib markii Wasiir Axmed Macalim Fiqi uu jeediyay hadalo u muuqda kuwa hanjabaad ah oo si gaar ugu jeediyay xubno ka tirsan Mucaaradka Soomaaliyeed.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...