Duqeyn Laga Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose,

Jimco 22 May 2026 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta duqeyn qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo isku aruursanayay si ay u abaabulaan falal argagixiso oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka waxaa lagu dilay lix ka mid ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo sidoo kale la burburiyay hub iyo agab ay adeegsanayeen.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay xaqiijinayaan in la sii xoojin doono hawlgallada lagu baacsanayo haraadiga argagixisada, laguna beegsan doono goob kasta oo ay ku dhuuntaan, si dalka looga ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...