Doorashada lagu dooranayo maamulka cusub ee Koofur Galbeed oo ka socoto Baydhabo.

Arbacao 20 May 2026 {HMC} Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ka dhacay shir looga hadlay ammaanka Gobolkaas oo dhowaan lagu wado in ay ka dhacdo Doorashada Hoggaanka rasmiga ah ee Maamulka cusub ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Saraakiil isugu jirtay Booliis iyo Militari ayaa ka qaybgalay kulankaan waxaana ay is dhaafsadeen sida ay uga wada shaqayn karaan adkaynta Ammaanka Gudaha Magaalada Baydhabo iyo bannaankeeda si doorashadaas ay ugu qabsoonto si xasiloon.

Ilo ku dhow shirkaas ayaa u sheegay Warbaahinta in ciidamada xoogga gaar ahaan kuwa Kumaandooska Gorgor iyo 60aad ay qaateen mas’uuliyadda amniga deegaannada bannaanka ka ah Magaalada Baydhabo.

Ciidamada Booliiska ayaa dusha saartay nabadgalyada Gudaha Magaalada Baydhabo maadaama wakiillo kor-joogta ah lagu wado in ay ka qaybgalaan doorashada maamulka cusub ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Dowladda Pakistan.

Axad 20 Sep 2026 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku...