DFS oo War kasoosaarta howlgallo ka dhacay Afgooye .

Jimco 21 May 2026 {HMC} War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada kumaandooska DANAB oo ka dhacay deegaanno hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Dowladda ayaa soo bandhigtay hub isugu jiray qoriga AK47, Bambooyin, Bastoolad & Agab laga sameeyo qaraxyada oo ay soo bandhigeen ciidamada Kumaandooska DANAB gaar ahaan kuwa adeegsada Gawaarida Gaashaaman sida hadalka loo dhigay.

Deegaanno hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo ay wadaan ciidamo katirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kumaandooska DANAB & Gorgor.

 

Saraakiil katirsan ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgallada ka socda Gobolka Shabeelaha Hoose ay hoos u dhigeen weerarradii ‘AS ay ku qaadi jirtay xeryaha ciidamada waa sida ay hadalka u dhigeen.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda Soomaaliya oo sarkaal ciidan u xirtay tacaddiga maxbuus Shabaab ah.

Sabti, 5, Sept 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in la xiray sarkaal ka tirsan ciidamada oo lagu eedeeyay inuu...