Isniin 25 May 2026 {HMC}Â Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday olole ka dhan ah cudurka Ebola oo saamayn taban ku reebay dalal dhaca Qaaradda Afrika, waxa ay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ka digtay halista cudurkaas.
Waxa ay Wasaaraddu ku dhawaaqday in Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho lagu baarayo qofka looga shaki cudurka Ebola si loo xaqiijiyo in uu cudurkaas ku dhacay iyo in kale sida hadalka hadalka loo dhigya.
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhanka kale shaacisay in la sameeyo dedaallada looga hortagayo cudurka Ebola oo galaaftay nolosha Dad badan oo ku sugan Dalalka uu ka dilaacay ee Afrika dhaca.
Dalka Uganda waxa uu kamid yahay Waddamada uu ka dilaacay Cudurka Ebola, Soomaaliya waxaa ka jooga Ciidamo ka kala tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo kuwo ilaaliyo Xafiiska Qaramada Midoobay.
Isbitaalka Martiini waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya horay ugu asteysay cudurkii Covid-19 ee dunida saamaynta taban ku reebay, waxaa la geeyay deeqaha kala duwan ee lagu wareejiyay si loogu adeegsado kahortagga cudurrada halista ah.

