DFS oo hakisay in dalka Masar loogu safro OK-to-Board

Axad 24 May 2026 {HMC}Dowladda Soomaaliya ayaa si ku meel gaar ah u hakisay in dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safarka ee loo yaqaan (OK-to-Board), ka dib caqabado ku yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaalayay dalka Masar maalmihi lasoo dhaafay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si dhow ula socotay caqabadaha ku yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaalayay Dalka Masar maalmihi lasoo dhaafay.

Sidoo kale warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ku wargalisay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Masar in Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar loogu safri karo dal-ku-galka rasmiga ah oo ay bixiso Qunsuliyada Masar oo kaliya.

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay xoojinaysaa xiriirka socdaalka iyo saaxiibtinimada ee ka dhaxeysa labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar,” sida lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Hay’adda.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Erdogan oo sheegay in heshiiska difaaca ee Maka uusan ku wajahneyn Iiraan ama Israa’iil.

Jimco, 25 Seb 2026 {HMC} Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka ee u dhexeeya Turkiga, Bakistaan iyo...