{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo tababar casri ah oo ku saabsan madaafiicda goobta ku qaadanaya dalka Turkiga.

Axad 24 May 2026 {HMC} Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa tababar casri ah oo ku saabsan madaafiicda goobta ku qaadanaya dalka Turkiga, iyadoo lagu barayo saxidda cabbirrada iyo adeegsiga nidaamyada madaafiicda ee goobaha dagaalka.

Tababarkan ayaa sidoo kale diiradda saaraya hagista iyo adeegsiga hubka culus, gaar ahaan madaafiicda goobta, kuwaasi oo muhiim u ah howlaha casriga ah ee militariga. Tallaabadan waxay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda difaaca Soomaaliya, iyadoo iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu sii xoogeysanayo si loo adkeeyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Mudooyinkii dambe waxaa si xowli ah uag socday gudaha Dalka Soomaaliya dib u habeynta xoogan oo lagu sameeynaayo Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya kuwaas oo rajo weyn giliyay shacabka Soomaaliyeed.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...