adaxweynaha Jubaland oo cafis u fidisay tiro Maxaabiis ah.

Isniin May 25, 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa cafis u fidiyay maxaabiis ku xukumnaa dambiyo fudud oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubaland oo ku taariikheysan 26-ka May 2026, ayaa lagu sheegay in cafiskan uu ku yimid munaasabadda Ciidul Adxa sanadkan 1447 Hijriyada.

Sida ku xusan wareegtada, 31 maxbuus oo kamid ahaa dadka ku xirnaa xabsiga dhexe ee Kismaayo ayaa laga siidaayay xabsiga, kadib markii Madaxweynaha Jubaland uu u fidiyay cafis.

Go’aankan ayaa yimid kadib soo jeedin ay sameeyeen Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubaland iyo sidoo kale Xeer-ilaalinta Guud ee Jubaland.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay wareegtada in Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Jubaland uu la socon doono fulinta cafiska iyo sii deynta maxaabiista la cafiyay.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Erdogan oo sheegay in heshiiska difaaca ee Maka uusan ku wajahneyn Iiraan ama Israa’iil.

Jimco, 25 Seb 2026 {HMC} Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka ee u dhexeeya Turkiga, Bakistaan iyo...