Arboco 13 May 2026 {HMC} Soomaaligii labaad ayaa sanadkaan ka qayb galaya Koobka Adduunka, balse markaan wuxuu matali doonaa dalka Sweden.
Ciyaaryahanka Taha Ali ayaa lagu soo daray xulka qaranka Sweden ee ka qeyb geli doona tartanka Koobka Adduunka.
Horay waxaa taariikhda u galay garsoore Omar Artan, oo ah wiil Soomaali ah kana mid noqday garsoorayaashii Koobka Adduunka.
Waa guul iyo sharaf kale oo ay Soomaalidu ka gaareyso fagaaraha caalamiga ah.


