Hogaamiye Aadan Madoobe oo Guddoomiyey Shirka Amniga Koonfur Galbeed.

Axad 29 Nov 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa gudooomiyey Shirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladaha guud ee amniga deegaannada Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa si gaar ah looga hadlay xoojinta iyo kordhinta howlgalada amni ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed dardargelinta wadaagista xogaha amniga iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida guud.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu falanqeeyey qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga, ka hortagga falalka amni-darrada ah iyo ilaalinta badqabka shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo howlgallada amniga, la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga, isla markaana la qaato tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Shirka Hogaamiyaha waxaa kala qeybgalay Wasiirka Amniga, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada, Agaasimaha Madaxtooyada, saraakiisha amniga iyo saraakiisha AUSSOM.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

1,200 Tahriibayaal Afrikaan ah oo Gaaray Jasiiradaha Giriigga.

Axad 29 Nov 2026 {HMC} 1,200 oo qof oo ka soo tahriibay qaaradda Afrika ayaa lagu soo warramayaa in ay gaadheen dalka Giriigga gaar...