Arbaco 11 Nov 2026 {HMC} Axmed bin Xuseen Al-Mutanabbi, oo ahaa abwaan Carbeed noolaa qarnigii 10-aad, kana mid ah hal-abuurayaashii ugu caansanaa suugaanta Carabta, ayaa tuduc gabay ah ku cabbiray xaaladda uu qofku mararka qaar ku khasbanaado inuu la macaamilo cadowgiisa, inkastoo uusan ku kalsoonayn ama uusan jeclayn.
Wuxuu yiri: “Dhibaatada adduunka waxaa ka mid ah in qofka sharafta leh uu mararka qaar ku khasbanaado inuu saaxiib la noqdo cadowgiisa.”
Hadalkaas wuxuu si kooban u muujinayaa xaqiiqada siyaasadda, oo ah in aanay mar walba suurtagal ahayn in qofku la macaamilo oo keliya cidda uu saaxiibka la yahay ama uu ku kalsoon yahay.
Is-afgarad kasta saaxiibtinimo ma aha, heshiis kastana isbahaysi ma aha. Mararka qaar duruufaha iyo danaha siyaasadeed ayaa kugu qasbi kara inaad la shaqeyso dad aadan isku aragti ahayn ama aadan ku kalsoonayn. Hase yeeshee, wada-shaqeyntaasi macnaheedu ma aha in la illoobayo taariikhda, kala duwanaanshaha iyo danaha dhinacyada lala macaamilayo.

