Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Moscow kula Kulmay Dhiggiisa Ruushka.

Sabti 31 Oct 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga oo Moscow kula Kulmay Wasiir-ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ka qaybgalay Shir-madaxeedka Saddexaad ee Ruushka iyo Afrika, ayaa magaalada Moscow kulan kula yeeshay Wasiir-ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka, Vasiliy Osmakov.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amni ee gobolka iyo tan caalamka, iyo mowduucyada kale ee mudnaanta u leh labada wasaaradood.

Kulanka waxaa Wasiirka ku weheliyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ruushka, Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, iyo Taliyaha Ciidanka Cirka, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Flávio Bolsonaro oo Gaaray Miami Kaddib Guuldarradii Doorashada Brazil.

Sabti 31 Oct 2026 {HMC} Flávio Bolsonaro ayaa gaaray magaalada Miami ee gobolka Florida, maalmo yar kaddib markii uu ku guuldareystay doorashadii madaxtinimada Brazil...