Itoobiya oo Gaaska Dabiiciga ah ee Deegaanka Soomaalida ku beddelaysa Shidaalka Dibadda laga keeno.

Sabti 31 Oct 2026 {HMC} Warbixino dheerad oo caawa warbaahinta Dowladu baahisay ayaa faah-faahinaya qaabka Gaaska dabiciiga ah wajigiisa koobad looga faa’ideysanayo. Gaasku ma noqonayo mid ku kooban Basaska Dadwaynaha ee waxa weheliya warshadaha.

Saddex bilood gudahood 400 oo Basaska dadwaynaha oo Gaaska Dabiiciga ah ku shaqeeya ayaa AdisAbaba ka shaqo galaya. Waxay taasi ka dhignaan doontaa in baahida gaadidka AdisAbaba 34% laga dabari doono Gaaska. Si sicir bararka loo dhimana gaadid tiro badan ayaa qorsheysan in Gaaska loo badalo.

Intaa un kuma koobna ee Warshadaha Sibidhka soo saara sida DebreBirhan(Axmarada) iyo Mojo(Oromiya) ayaa iyagana isticmaalkoda loo badali doona Gaaska. Taas oo yareyn doonta kharash badan oo ka baxayay.

Gaadiidka xamuulka ee warshadaha iyo dhismaha u shaqeeya ayaa iyagana Gaaska loo badali doona.

Arrimahan ayaa la sheegay in ay meesha ka saari doonan shidaalkii dibada laga soo dhoofinayay, iyagoo keeni doona in Itoobiya ka maaranto Dolar-kii ka baxayay.

Mashruuca wajiga labaad ee Godey waxaa loo isticmaalaya Bacrimiyaha, iyo Korontada sida warbixinta lagu xusay.

Tani waxay ka dhigantahay in khayraadka Deeganku go’aamin doono isku socodka caasimada AdisAbaba. Siddoo kale in wax-soosarka Deeganku warshado badan ay ku tiirsanan doonan. Hadii Soomalidu fahantana waa kaar miisan culus oo ay xuquuqo badan ku dhacsan karto.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Moscow kula Kulmay Dhiggiisa Ruushka.

Sabti 31 Oct 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga oo Moscow kula Kulmay Wasiir-ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka. Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ka...