Itoobiya oo sheegtay in AS ay sabab u tahay in ay aqoonsan waydo Somaliland.

Jimco 16 Oct 2026 {HMC} Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Israa’iil, Tesfaye Yetayeh Anteneh, ayaa sheegay in khatarta kooxda Al-Shabaab ay ka mid tahay sababaha hortaagan in dalkiisu aqoonsado Somaliland, isaga oo ku dooday in aqoonsiga Somaliland uu sababi karo in Soomaaliya ay dalbato in ciidamada Itoobiya laga saaro dhulkeeda, taasina ay fursad siin karto Al-Shabaab inay weerarro ka fuliso Somaliland iyo Itoobiya.

Hase yeeshee, safiirka Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud, ayaa aragtidaas ka hor yimid, isaga oo sheegay in aqoonsiga Somaliland uu Itoobiya u horseedi karo faa’iidooyin waaweyn oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo istaraatiijiyadda gobolka ah, isla markaana aanu khatar amni ku ahayn Itoobiya.

Safiirka Itoobiya oo waraysi siiyay warbaahinta Israa’iil ee i24NEWS ayaa ka hadlay caqabadaha hortaagan in Itoobiya ay aqoonsato Somaliland, isaga oo walaac ka muujiyay saamaynta ay tallaabadaasi ku yeelan karto xidhiidhka Addis Ababa iyo Muqdisho iyo mustaqbalka ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.

Waxa uu ku dooday in haddii Itoobiya ay aqoonsato Somaliland xilligan, ay Soomaaliya go’aansan karto inay dalbato bixitaanka ciidamada Itoobiya, taas oo uu sheegay inay abuuri karto xaalad amni oo ay Al-Shabaab uga faa’iidaysato inay khatar ku noqoto Somaliland iyo Itoobiya labadaba.

Dhankiisa, safiirka Somaliland ee Israa’iil, Maxamed Xaaji, ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in aqoonsiga Somaliland uu Itoobiya u horseedi doono faa’iidooyin amni iyo istaraatiiji ah, halkii uu ka abuuri lahaa khataro cusub.

“Waxaan ku qanacsanahay in kasoo horjeedku uu runyahay. Itoobiya waxay faa’iidooyin istaraatiiji ah, dhaqaale iyo amni oo aad u waaweyn ka heli kartaa aqoonsiga Somaliland, iyada oo aanay jirin khatar amni oo ka dhalanaysa,” ayuu yidhi Maxamed Xaaji.

Waxa uu intaa ku daray in tallaabooyinka Soomaaliya ay ka qaadayso Itoobiya ay ka waxyeello badan yihiin aqoonsiga Somaliland, isaga oo ku dooday in Muqdisho ay sii xoojinayso xidhiidhka ay la leedahay dalalka ay Itoobiya xafiiltamaan, isla markaana ay siinayso fursado ay danahooda kaga fushadaan gobolka.

Safiirka Somaliland ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland uu Itoobiya u suuragelin karo inay xoojiso saamaynteeda gobolka, isla markaana ay yeelato saaxiib istaraatiiji ah oo lagu kalsoonaan karo oo ku yaalla Geeska Afrika.

Waxa uu sidoo kale ku dooday in Somaliland ay muddo dheer muujisay adkaysi iyo awood ay kaga hortagto in Al-Shabaab iyo budhcad-badeeddu ka samaystaan goobo ay ku dhuuntaan, isaga oo xusay in maamulka maxalliga ah iyo dadaallada amni ee Somaliland ay ka dhigayaan saaxiib istaraatiiji ah oo Itoobiya anfici kara, halkii ay ka ahaan lahayd culays amni.

Maxamed Xaaji ayaa sidoo kale sheegay inaan la filan karin in ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay halkaas ku sii sugnaadaan muddo aan dhammaad lahayn, isaga oo ku baaqay in la sii qorsheeyo xaaladda ka dhalan karta marka ay ciidamadaasi dalka ka baxaan.

Waxa uu ku dooday in aqoonsiga Somaliland uu xoojin karo amniga Itoobiya, dardargelin karo koboca dhaqaalaha, isla markaana sare u qaadi karo awoodda ay Itoobiya ku yeelanayso Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Waa kuma wiilka Soomaaliga ah ee ka soo dhex muuqday kooxda Arsenal.?

Sabti 17 Oct 2026 {HMC} Haddii aad daawanaysay cayaartii Champions league ee ay fiidnimadii Talaadada Arsenal garoonkeeda Emirates kula yeelatay kooxda Lille, Maalik Hashi...