Shan Askariy Gorgor ah oo Lacagta Arooskooda Lagu Abaal-mariyey Baydhabo.

Talaado 13 Oct 2026 {HMC} Iyadoo la fulinayo ballan-qaadkii Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “ Gen Khaalid” ayaa maanta lacagihii loogu talagalay kharashaadka arooska la guddoonsiiyey shan askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor, gaar ahaan Ururka 171 guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaandooska GorGor.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah ballan-qaadkii uu Taliyuhu hore ugu sameeyey askarta kaas oo muujinaya garab istaagga iyo daryeelka loo fidinayo xubnaha ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Askarta la guddoonsiiyey lacagahan ayaa fursad u helay inay taageero dhaqaale u helaan diyaarinta munaasabadahooda arooska taas oo qayb ka ah dhiirrigelinta iyo tixgelinta ciidamada naftooda u huraya difaaca dalka iyo ilaalinta amniga shacabka Soomaaliyeed.

Tallaabadan ayaa sidoo kale muujinaysa muhiimadda ay leedahay daryeelka ciidamada iyo fulinta ballan-qaadyada loo sameeyo, si loo xoojiyo niyadda, kalsoonida iyo isku xirnaanta hoggaanka iyo ciidamada

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Soomaaliya oo karantiishay muwaadin la safray qof u geeriyooday Cudurka Ebola.

Talaado 13 Oct 2026 {HMC} Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in si ammaan ah loo karantiilay muwaadin Soomaaliyeed oo la...