israsaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta dhacday suuq ku yaalla Magaalada Garoowe.

Axad 11 Oct 2026 {HMC} laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii nin hubaysan uu rasaas ku furay goob ganacsi oo ku taalla suuqa Inji ee magaalada Garoowe ee caasimada Maamulka Puntland

Wararka laga helayo dhacdadan ayaa sheegaayo ninka hubaysan in uu rasaas ku furay suuqa kabaha lagu iibiyo ee ku dhex yaalla suuqa Inji, oo ka mid ah goobaha ganacsi ee mashquulka badan ee magaalada Garowe.

Rasaasta ayaa sababtay dhimashada laba qof iyo dhaawaca afar kale, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Guud ee Garoowe si xaaladdooda caafimaad loola tacaalo.

Maamulka isbitaalka ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka dhaawacmay isagoo dhintay la keenay, halka qofka labaad uu u dhintay dhiig-bax, inkasta oo dadaal caafimaad loo sameeyay. Waxay intaas ku dareen in qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladdoodu culus tahay.

Dad Goobjoogayaal ayaa sheegay in ka hor inta aan rasaastu dhicin uu muran dhexmaray ninka hubaysan iyo rag kale oo goobta ku sugnaa, kaas oo markii dambe isku beddelay gacan ka hadal iyo rasaas.

Ninka falka geystay ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday. Warar aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in ninku uu cabsanaa maandooriyaha Qamriga.

Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambaysay dhacdadan. Laamaha amniga iyo maamulka Puntland weli kama aysan hadlin dhacdadan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Golaha Mustaqbalka oo Madaxweyne Xasan ugu digay inuu weerar ku qaado Shariif iyo madaxda mucaaridka.

Isniin 12 Oct 2026 {HMC} Golaha Mustaqbalka ayaa Madaxweyne Xasan ugu digay inuu weerar ku qaado Madaxweyne Shariif iyo madaxda mucaaridka. Warsaxaafadeedka Golaha Mustaqbalka ayaa...